Home » Ciidamada dowladda oo howlgallo xoogan ka sameeyay Galgaduud

Ciidamada dowladda oo howlgallo xoogan ka sameeyay Galgaduud

by Weriye Ateera

Galcad(CKG)-Ciidanka Kumaandooska DANAB  iyo Ciidanka Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada wadajirka ah ayaa sigaar ah howlgalka uga fuliyay degaannada kala ah Cali Cameey & Ontorey oo hoostaga Degmada galacad, halkaas oo la sheegay inay ku xooganaayeen Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay in ay sii laba jibaareen howlgallada  kasoconaya dhulka hoowdka si looga hortago weerarada ay Al-Shabaab ka soo qaadaan.

Degaannada howlgallada ay ka sameeyeen Ciidamada DANAB iyo kuwa Gorgor waxaa shalay gelinkii dambe ka dhacay dagaal xoogan, waxaana Maanta ka socda howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com