Wednesday, February 28, 2024
More

    Ciidamada Dowlada Iyo Xoogga Deegaanka Oo La Wareegay Deegaanka Ceel Cali Xasan (SAWIRRO)

    Galcad (CKG)- Ciidamada xoogga dalka iyo xooggaga deegaanka ayaa Al Shabaab kala wareegay Tuulada Ceel Cali Xasan oo hoostagta magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

    Taliyaha Guutada 3aad ee qaybta 27aad Ibraahim Yuusuf iyo Taliyaha Guutada 4 ee Qaybta 27aad ee xooga dalka ayaa sheegay in ciidamada ay miinooyin badan ka bixiyeen jidka xariiriya tuulooyinka uu ka socdo howlgalka.

    Khawaarijta oo u adkeeysan waysay cududda ciidanka xooga dalka iyo dadka deegaanka ayaa baneeyay in kabadan 20 fariisin oo ay ku lahaayeen deegaanada hoostaga Magaalada Galcad.

    Howlgalka lagu xoreeynayo deegaanadaan waxaa qayb ka ah Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar, Senator Axmed Maxamed Cali Afcadeey iyo masuuliyiin kale.

    Codkakoonfurgalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com