Baydhabo (CKG)– Taliska Booliska Gobolka Baay oo howlgal ka sameyey qaar kamid ah Xaafadaha Magaalada Baydhabo ayaa soo Bandhigay waxyaabaha Maanka Dooriya oo ay kamid ahayeen Qamriga iyo Xashiiska kuwaasi oo ciidamadu gacanta ay ku soo dhigeen kaddibna lagu gubey duleedka Baydhabo.
goobta lagu gubayey maandooriyahan waxaa goobjoog ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Baay Taliyaha CID Degmada Baydhabo, Taliyaha Saldhiga Degmada Baydhabo xubno kamid ah Maxkamada iyo masuuliyiin kale.
Baydhabo beriyihii dambe ciidamada booliska waxay wadeen howlgalo gudaha magaalada ah kuwaasi oo ciidamadu ay kula dagaalamayeen maandooriyaha iyo Amniga guud.
CodkaKoonfurGalbeed.Com