Home » Cawasho laga muujiyay iibinta Dahabka suuqyada magaalada Baydhabo.

Cawasho laga muujiyay iibinta Dahabka suuqyada magaalada Baydhabo.

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Dahabliyaasha Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa Cabasho ka muujiyey Dadka Xarumadooda usoo ganacsi taga, si gaar ah kuwa Dahabka u keena, oo sida ay sheegeen Dahabka ku keena si aan la ogeyn, iyagoo ku tilmaamay mid shaki badan, taasi keenta in laga iibsan waayo.

Waxay sheegeen in ay la kulmaan Khataro uga imaada dhinaca Macaamiishooda qaar.

Qataraha waxaa kamid ah in la isku qabsado, mararka qaarna xaaladda ay gaarto ilaa heer dacwod ah.

Maxamed Maxamuud Aadan oo ah milkiilaha Gold House Baidoa ayaa Warbaahinta uga waramay Dhibaatada ay kala kulmaan qaar ka mid ah Macaaamiishooda.

Waxaa uu sheegay inaysan dhihi karin qof walba oo dahab u keeno halka asal ahaan laga keenay Dahabka.

Maxamed Maxamuud Aadan ayaa sheegay in hadii qofka Dahabka laga soo Xaday uu uyiimaado lagu qasbo inay u celiyaan Dahabkiisa ama ay siiyaan mid u eg waa sida uu sheegay.

Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in wax kasta ay ku xalin doonaan qaab lagu qancin karo labada dhinac.

Magaalada Baydhabo ayaa ka soo kabsanaysa bur burkii soo maray dalka qaar ahaan degaanada KGS, waxaana ku soo badanaya goobo badan oo ganacsi, ganacsatada ka soo jeeda gobolka Baay ayaa ku kalsoonadey maalgalinta Baydhabo.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com