Baydhabo(CKG)-Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa magaalada Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa maanta dib ugu soo laabtey Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka baay kadib safar shaqo oo ugu maqnaa dalka dibadiisa.
Gudoomiyaha ayaa goroonka diyaaradaha ee shaati gaduud Airport ee magaalada Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo.
Soo dhaweyn kadib Gudoomiye Abdullahi Ali Watiin oo warbaahinta kula hadley Goroonka ayaa ka war bixiyey safarkii uu dalka dibadiisa ugu maqnaa isagoo tilmaamay in shir Japan ee uu ka qeyb galay gudoomiyaha looga hadley arimaha isbedelka cimilida oo saameyn xoogan ku yeeshay magaalada baydhabo iyo deegaanada hostaga.
Codkakoonfurgalbeed.com