Home » Wasaaradda Caafimaadka KG oo ku baaqday in bulshada lagaarsiyo adeegyo ku filan(SAWIRRO)

Wasaaradda Caafimaadka KG oo ku baaqday in bulshada lagaarsiyo adeegyo ku filan(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Maxamed Cusmaan Jiidow ayaa Magaalada Baydhabo, kulan is xogwareysi ah kula yeeshey ururka Dhaqaatiirta KGS.

Shirka waxaa diirada lagu saaray iskuxirka iyo wadashaqeynta dhaqaatiirta deegaanada KGS, iyo sidii kaalin uga qaadan lahaayeen Horumarinta Caafimaadka, si bulshada ay u helaan adeeg Caafimaad oo u bixiyo xirfadle caafimaad oo hufan.

Waxaa kaloo Shirka qeyb ka ahaa Wasiirka Qorsheynta KGS, Dr Cali Cabdi Macalin iyo Senoter Xuseen Maxamed Daahir oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaadka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Xaaji Cusmaan Jiidow ayaa dhaqaatiirta ku booriyey in bulshada ay ugu adeegan si hufan isagoo u xaqiijiyay in Wasaaradda Caafimaadka ay garab ku siin doonta gudashada waajibaadkooda, sidoo kale waxuu ku booriyay in dhaqaatiirtu ay adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka Caafimaadka ayaa ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka ay wado dadaalo ku aadan sidii loo sameyn lahaa sharcigga dhismaha guddiga xirfadlayaasha caafimaadka ee heer Dowlad Goboleed oo fududeyn doona habsami usocodka shaqada iyo horumarinta xirfadlayaashada caafimaadka oo dhaqaatiirtu ay ka mid yihiin.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com