Home » Burcad badeed weeraray markab marayey xeebaha Somaliya oo gacanta lagu dhigay

Burcad badeed weeraray markab marayey xeebaha Somaliya oo gacanta lagu dhigay

by Weriye Ahmed Yare

Nairobi (CKG) – Ciidanka badda Midowga Yurub ayaa gacanta ku dhigay 6 nin oo Soomaali ah oo isku dayay inay afduubaan markab qaada shidaalka, kaasi oo ay lahayd shirkadda Chrystal Arctic, wuxuuna marayey meel u dhow xeebaha Somalia sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AP.

Iska caabin ay kala kulmeen ilaalo saarnayd marka ayaa ku qasabtay kooxda burcad badeeda ah inay dib uga laabtaan.

Ciidanka badda Midowga Yurub ayaa markii dambe gacanta ku dhigay burcad badeeda, iyagoo qaarkood qaba dhaawacyo kala duwan, doonida ay wateena uu ka daadanayay shidaalka.

Waxaa bilihii u dambeeyay dib u soo laba kacleeyay burcad badeedda Soomaalida, iyagoo afduubtay maraakiib marinkoodu ahaa xeebaha Soomaaliya oo qaarkood ku sii daayey malaayiin dollar oo madax furasho ah, halka maraakiib kale oo ay weerareena ay ku fashilmeen iney qabsadaan.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com