Home » Bulshada Degmada Berdaalle oo loogu Baaqay in ay ka shaqeyaan Nabad galiyada Degmadaasi(SAWIRRO)

Bulshada Degmada Berdaalle oo loogu Baaqay in ay ka shaqeyaan Nabad galiyada Degmadaasi(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Berdaalle(CKG)-Maamulada gobolka Baay iyo kan degmada Berdaalle ayaa waxay wadaaan dadaalo ku aadan sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada degmada Berdaalle sida caafimaadka, waxbarashada, saldhigyada Booliska, waddooyinka goobaha ganacsiga iyo meelaha kale e loogu adeego bulshada.

Guddoomiyaha gobolka Baay Maxamed Isaaq Caracase oo lahadlaayay shacabka qeybahooda kala duwan ee degmada Berdaalle ayaa waxaa uu laha hadlay arimo ay ka mid yihiin iska celinta kooxaha halista ku ah shacabka iyo horumarka degmada.

Guddoomiye Caracase ayaa sheegay in loo baahan yahay in degmada iyo tuulooyinka ka tirsan degmada loo baahan yahay in laga xureeyo kooxaha Al-shabaab iyo Burcadda kale ee dhibaatada ku hayaan shacabka degmada Berdaalle.

Guddoomiyr Caracase ayaa sheegay in laga fogaado in wax taageero ah loo sameeyo kooxaha halista ku ah degaanka, wuxuuna bulshada ugu baaqay in ciddii hadhow lagu arko lala tiigsan doono sharciga ayadoon loo fiirin doonin magaca iyo sumcadda uu ku leeyahay degmada.

si loo helo nabad galiyo iyo loo xoojiyo harumarka degmada ayaa guddoomiyaha gobolka Baay shacabka degmada Berdaalle ugu baaqay in maamulka iyo laamaha amniga lagala shaqeeyo amniga guud ee degmada.


Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com