Home » Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo shaacisay maalmaha Xajka iyo Ciidda Sanadkan

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo shaacisay maalmaha Xajka iyo Ciidda Sanadkan

by Weriye Ahmed Yare

Riyad (CKG) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay maalmaha Xajka iyo Ciidul Adxa ee sanadkan, kadib markii la arkay bisha fiidnimadii Khamiista, taasi oo xaqiijisay bilowga bisha Dul Xaj.

Sida wakaalada wararka Sacuudiga ee SPA ay sheegtay in Maxkamadda Sare ay go’aamisay in bisha Dul Xaj, oo ah bisha 12-aad ee ugu danbeysa ee taariikhda Islaamka ay billaabatay maanta oo Jimce ah.

Xajka waa tiir ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, waxaana waajib ah in ugu yaraan hal mar ay gutaan dhammaan Muslimiinta, haddii ay awoodaan. Xajka ayaa ka kooban dhowr cibaado oo lagu guto muddo afar maalmood ah, magaalada Maka iyo nawaaxigeeda ee galbeedka Sacuudi Carabiya.

Waxaa ugu muuhimsan maalinka 9-aad ee bisha, oo ah marka xujayda ay isugu soo baxaan Buurta Carafa, halkaasi oo Nebi Maxamed NNKH uu ka jeediyey khudbaddiisii ugu dambeysay.

Maalinta 9-aad ayaa sanadkan ku beegan 15-ka June, halka maalinta Ciidul Adxa ay ku beegan tahay 16-ka June, sida ay sheegtay wakaaladda wararka SPA.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sanad walba balaayin dollar oo dhaqaale ah ka sameysa xajka iyo cumrada. Sanadkii tegay waxaa Xajka gutay 1.8 milyan oo qof, sida ku cad tiro-koobka rasmiga ah ee dowladda.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Sacuudi Carabiya Tawfiq al-Rabiah, shir jaraa’id oo uu qabtay Khamiistii, ayaa waxa uu sheegay, in qiyaastii 1.2 milyan qof oo ka kala yimid dalalka caalamka ay illaa hadda gaareen dalkaasi ay u gutaan xajka.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com