Home » Booliska Gobolka Banaadir Oo Sheegay Inay Xabsiga Dhigi Doonan Siyaasigii Hub Waa Weyn Magaalada

Booliska Gobolka Banaadir Oo Sheegay Inay Xabsiga Dhigi Doonan Siyaasigii Hub Waa Weyn Magaalada

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)- Taliska Boosliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay dhaqan-gelinayaan amarkii dhowaan kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu mamnuucayay in magaalada Muqdisho lagu dhex qaato hubka waaweyn.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in weli siyaasiyiinta iyo mas’uuliyinta dowladda aysan u hoggaansamin ammarkii Madaxweynaha ee ahaa in aan hub lagu dhex qaadan Magalada Muqdisho.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in weli si caadi ah Magaalada Muqdisho loogu dhex wato Qorriyihii waaweynaa ee Gawaarida ku xirnaa iyo kuwo kale, balse, iyaga ay fulin doonaan ammarkii Madaxweynaha.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir in cid kasta oo hub waaweyn ku dhex qaadatada Magaalada Muqdisho saraakiisha iyo siyaasiyiinta wata ay tallaabi ka qaadi doonaan soona xiri doonaan lana maxkamadeyn doono.

Hadalkan kasoo yeeray taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa kusoo aadaya xilli weli uusan dhaqan gelin ammarkii dhowaan kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu mamnuucayay in magaalada Muqdisho lagu dhex qaato hubka waaweyn.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com