Home » Beesha Caalamka oo war ka soo saartay doorashooyinka muranka ka taagan ee Puntland

Beesha Caalamka oo war ka soo saartay doorashooyinka muranka ka taagan ee Puntland

by CKG Editor

Garoowe (CKG) – Ka hor doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee Puntland ee dhacaya 25-ka May, saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay shacabka Dowlad Goboleedka Puntland ee Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ku bogaadinayaan sida ay uga go’antahay inay ka miro-dhaliyaan himiladooda iyo ballanqaadyadooda dimoqraadiyadeed.

Saaxiibdu waxay qireen dadaallada, sida gaarka ah uu bixiyay Guddiga Ku-Meel-Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), si looga gudbo caqabadaha waaweyn ee horyaalla u diyaargarowga dhacdadan taariikhiga ah ee doorashada tooska ah.

Saaxiibdu waxay ku dhiirigelinayaan dhammaan daneeyayaasha inay gacan ka geystaan xaqiijinta ​​sidii doorashada loogu qaban lahaa jawi nabdoon, iyo in wax laga qabto su’aalaha ama khilaafaadka iman kara iyadoo loo marayo wadahadal iyo hanaanka sharciga.

Saaxiibdu waxay rumeysan yihiin in khibradda ay Puntland u leedahay doorashooyinka tooska ah ay wax bari karto oo ay dhiirigelin karto fidinta dimoqraadiyadda Soomaaliya oo dhan, ee heer kasta oo dowladeed. Saaxiibda waxaa weli ka go’an inay taageeraan hannaanka dimuqraadiyeynta Soomaaliya.

CodkakoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com