Home » Beesha Caalamka oo eedeyn kulul u jeedisay dhinacyada ku dagaalamaya Laas-Caanood

Beesha Caalamka oo eedeyn kulul u jeedisay dhinacyada ku dagaalamaya Laas-Caanood

by Mohamed Adam Socdaal

Hargaysa (CKG)- War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen beesha caalamka ayaa lagu sheegay in dhinacyada isku haya colaadda Laascaanood ay fulin waayeen ballanqaadkii xabbad joojinta iyo kala qaadida labada ciidan.

Beesha caalamka waxay si toos ah baaq ugu direen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana loogu baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda, islamarkaana ciidamada loo kala qaado oo la geeyo goobaha lagu heshiiyo.

Beesha caalamka waxay ku sheegeen war- murtiyeedkooda in colaadda hubaysan ee magaalada Laascaanood ay saamaynta ba’an ku yeelatay shacabka.

Beesha calaamku waxay xustay in xaaladda walaaca ahi ee ka taagan Somaliland ay si weyn u saamaynayso wada-hadallada ku saabsan la-hawlgalkooda Somaliland.

Beesha caalamku waxay dhinacyada u gudbisay farriin ku saabsan muhiimada ay leedahay xaqiijinta gaaritaanka bini’aadantinimo iyo gaarsiinta gargaarka kuwa u baahan.

Beesha caalamka waxay ugu dambayn ku baaqeen dabacsanaan iyo rabitaanka tanaasulka si loo oggolaado wadahadal lagusoo afjaro colaadda Laascaanood.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com