Home » Beeralayda Degmada Baydhabo oo sameysatay Iskaashato is caawisa.

Beeralayda Degmada Baydhabo oo sameysatay Iskaashato is caawisa.

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Kadib markii tobonkii sano ee la soo dhaafay abaaro iyo fatahaado ay ku dhufteen degaanada koonfur galbeed soomaaliya gaar ahaan gobolada Baay iyo Bakool ayaa qaar kamid ah beeralayda degmada Baydhabo ayaa waxay sabeysteen wada tashiyo badan oo ku aadan sidii ay isu caawin lahayeen kadib markii ay badteen xaaladaha kala duwan ee ku soo laablaabta beerahooda.

Ayadoon jirin caawinaad fiican oo ay helaan beeralayda degmada Baydhabo ayaa waxay go’aansadeen sidii loo heli lahaa sidii lagu caawin lahaa ama loo garab istaagi lahaa kooda ubaahan caawinaad.

Iskaashatada beeralayda degmada Baydhabo oo ka kooban ilaa 10 ayaa waxay ku midooween is caawinta markay soo wajahdo xaaladaha kala duwan xiliyada ay ku dhacaan beerahooda abaaraha, fatahaadaha iyo dhinaca dhaqaalo xumada.

Iskaashatada beeralayda degmada Baydhabo ayaa waxaa la aas aasay sanadkaan 2024 bishii 4,aad marna sameynteen guddiyo ayaga dhaxdooda ah kuwaasi oo ay ku jiraan kuwo xili walba qiimeyn ku sameeya xaaladaha beeralayda.

Horey uma jirin beeralay sifiican isu caawisa ama loo caawiyo xiliyada ay la kulmaan dhibaatooyinka arimaha beerahooda ah sida dalagyada oo ka xumaada, abaarsiga beerta, biyaha, daawooyinka beeraha iyo adeegyada ay ubaahan yihiin beeralayda.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com