Baydhabo: (CKG-) Madaxweynaha Dowlada Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen Ayaa Manta Daahfurey Mashruuca Qorshaha istiraatijiyada Magalada Baydhabo
Qorshaha istiraatijiyada Magalada Baydhabo ayaa ah Hagaajinta ,Naqshadeynta iyo Deegaameynta Magalada si loogu Hortago isku Raranka Magagalada taas oo qeyb weyn ka qaadan doonta soo Celinta Belicda Degmada Baydhabo.
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna Duqa Magalada Mudane Abdulahi Ali watiin oo Mashruucan Hormuud ka ahaa Ayaa Sheegey in Maamulkiisa uu diyaariyey Hanaan Hormarineen oo Magalada Baydhabo Mudada 10ka sanno ee soo socota loogu Hagaaginta doono Naqshada iyo Degaameynta Degmada Baydhabo.
Baydhabo oo hada Caasimad KMG ah u ah Koonfur Galbeed ayaa hore u yeelan Istiraatiijiyad iyo Nadaafad waxaana xaafadaha badi ay yihiin kuwo isku raran ah oo wasaqeysan balse hadii mashruucan sida uu yahay loogu faa’ideysto uu noqon doono mid la mahdiyo.
CodkaKooonfurGalbeed.com