Baydhabo: (CKG)- Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Bay’ada iyo Duurjoogta Koonfur Galbeed Soomaaliya Eng Ahmed Mohamed Adan iyo Wasiiro kale oo ka tirsan KG ayaa ka qeyb galey Munaasabad lagu xuseyey Maalinta Keymaha Aduunka oo lagu qabtey Baydhabo.
Waxaana ka qeyb galey Mas’uuliyiin ,Agaasimaha Guud ee wasaarada Bay’ada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada kuwaasi oo dulistaagay muuhiimada ay leedahay maalinta oo kale.
Soomaaliya ayaa sanadkan horaantiisa lagu daahfurey Mashruuca Soomaalida cagaaran kaasi oo ay wado Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya waxaana la gaarsiiyey dhowr Magaalo oo geed beerid lagu sameeyey.
CodkaKoonfurGalbeed.com