Home » Baydhabo oo laga daah-furay dhismaha golayaasha degmooyinka Ceel-berde iyo Buurhakaba +SAWIRRO

Baydhabo oo laga daah-furay dhismaha golayaasha degmooyinka Ceel-berde iyo Buurhakaba +SAWIRRO

by CKG Editor

Baydhabo (CKG) – Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin, ayaa ka qeybgaley Munaasabad lagu daah furayay dhismaha Golayaasha Deegaanka Degmooyinka Ceel-berde, Buur-hakaba, Walaweyn oo lagu Magaalada Baydhabo.

Daah-furkan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Dowlad Koonfur Galbeed, Maamulka Gobalka Baay, kan degmada Baydhabo, Odayaasha dhaqanka, Mas’uuliyiin ka socodey Hay’adaha wadasheynta la leh Wasaaradda Arrimaha Gudaha, qeybaha kala duwan ee Bulshada Iyo marti sharaf kale.

Odayaasha Dhaqanka iyo Mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashey Munaasabada, ayaa qirey in muhiim ay tahay Dhismaha Golayaasha deegaanka degmooyinka.

Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed oo ka soo jeeda degmooyinka loo dhiseyo Golayaasha deeganka, ayaa sheegey in doorkooda ka qaadan doonan sidii loo dhisi lahaa maamul degmo loo dhan yahay.

Ugu dambeyn,  Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin oo si rasmi ah udaafurey Dhismaha Golayaasha Deegaanka Degmooyinka Ceel-berde, Buur-hakaba, iyo Wanlaweyn, ayaa mas’uuliyiinta ka soo jeeda Degmooyinkaasi kula dar daarmey in ay ka qeybqaataan oo ay mujiyaan kaalinta idinkaga aadan ee Golayaasha.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com