Wednesday, February 28, 2024
More

    Baydhabo: Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo markale laba Rag toogasho ku fulisay

    Baydhabo (CKG) – Maxkamada Ciidamada qalabka sida gaar ahaan qeybta 60aad ayaa Isniintii maanta markale magaalada Baydhabo ka fulisay xukun dil toogasho ah.

    Toogashada ayaa waxaa lagu fuliyay Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan oo maxkamada horey dil ugu xukuntey.

    Axaddii shalay ayay aheyd markii sidaan oo kale laba Askari oo horay dilal u geystay lagu fuliyay dil toogasho ah, kuwaas oo kamid ahaa dadka ku nool Magaalada Baydhabo.

    Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa weli u xiran rag xukun-sanayaal ah, kuwaas oo ka kala tirsan Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, iyada oo la filayo in dhawaan dil toogasho lagu fuliyo.

    CodkaKoonfurGalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com