Baydhabo (CKG) – Maxkamadda Ciidamada Qalab sida qeybta 60-aad ayaa subixii Axadda maanta ah xukun dil toogasho ah ku fulisay, Xuseen Maxamed Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur oo horey maxkamadda dil ugu xukuntay.
Xuseen Maxamed Cabdi Nuur ayaa waxaa uu horey  u dilay xaaskiisa, halka Abaadir Isaaq Nuur uu Dilay askari ka tirsan Booliiska Soomaaliya.
Qisaasta labadan rag ayaa waxa ay ka dhacday halka loo yaqaano Cara-tuurka oo ah waqooyiga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Qaar kamid ah Shacabka magaalada Baydhabo, ehellada raga la toogtay iyo dadka ay horay u dileen ayaa goobjoog ka ahaa goobta toogashada, iyada oo qaar kamid ah dadka magaalada Baydhabo ay soo dhaweeyeen.
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa muddooyinkii dambe ay toogasho ku fulineysay rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu helay dilal iyo qaraxyo ay geysteen iyo askar dilal geystay, waxaana weli xasbiyada ku jira rag kale oo xukuman.
CodkaKoonfurGalbeed.com