Wednesday, February 28, 2024
More

    Barnaamijka Tirakoobka Dadka iyo Guryaha Soomaaliyeed oo Muqdisho laga daahfuray

    Muqdisho (CKG)- Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Saalax Ahmed Jaamac ayaa daahfuray barnaamijka qaran ee Tirakoobka Dadka iyo Guryaha Soomaaliyeed, kaas oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Sidoo kale Waxaa Barnaamijka Goobjooga ka aha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, wakiila ka socda beesha caalamka iyo marti sharaf kale.

    Waxaana Barnaamijka lagu soo bandhigay ahmiyada ay Dowladnimada iyo Ummada Soomaaliyeed u lee dahay hirgalinta Tirakoobka Dadka iyo Guryaha.

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu taageerayo hirgalinta barnaamijkan maadaama uu yahay mid faaida weyn xambaarsan islamarkaana ay lagama maarman tahay dadajinta hirgalinta Tirakoobka Dadka iyo Guryaha Soomaaliyeed.

    Codkakoonfurgalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com