Home » Barnaamijka bandhigga Hibada dhalinyarada oo lagu qabtay magaalada Baydhabo(SAWIRRO)

Barnaamijka bandhigga Hibada dhalinyarada oo lagu qabtay magaalada Baydhabo(SAWIRRO)

by Weriye Ateera
Barnaamij Ka Bandhiga hibada dhalinyarada (Youth talent show) oo ay soo qaban qaabiyeenSomali Youth Vision SYV ayaa lagu qabtey Magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.
Barnaamijkaan ayaa waxaa lagu marti qaaday mas’uulin ka tirsan maamulka koonfur galbeed soomaaliya, maamulada gobolka kan degmada Baydhabo, ururada dhalinyarada, haweenka, qaar kamid ah guddoomiyaasha xaafadaha iyo marti sharaf kale.
Gabayo, Ciyaaro, Hidaha iyo dhaqanka, heesaha isdhexgalka dhalinyarada, Dowladda, warbaahinta, Sports ka iyo hawlaha laxiriira Nabad dhiska ayaa qeyb ka ahaa waxyaabaha diirada lagu saarayey Bandhigan.
SYV oo kaashaneysa Dowladda Koonfur galbeed iyo hogaan ka dhalinyarada KGS ayaa barnaamij kan uga dan lahaa in lagu dhiiragaliyo dhalinyarada hal abuur ka leh iyo kaalintooda ku aadan Nabadda.
Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com