Muqdisho(CKG)-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta daah-furay barnaamijka Caddaaladda iyo Asluubta, si loo horumariyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan Caddaalad iyo Garsoor Madax-bannaan oo qayb ka ah qorshaha Xukuumadda.
Shirka ayaa waxaa goobjoog ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, qaar kamid ah ahy’adaha ka shaqeya arimaha caddaaladda, xildhibaano iyo wasiiro katirsan DFS, Odiyaal iyo mas’uulin kale.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane, Axmed Macallim Fiqi, oo qeyb ka ahaa mus’uulinta ka qeyb galay shirkaani ayaa sheegey in la joogo xiligii laa bahnaa in si hufan caddaaladda loogugu adeegi lahaa bulshada soomaaliyeed.
Wasiirka wasaaradda Caddaaladda DFS Xassan Macalin ayaa shirka ka sheegay in tiirka shacabka lagu maamulo uu yahay Caddaaladda.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo tilmaamay muhiimadda ay shacabka Soomaaliyeed u leedahay inay helaan Caddaalad hufan oo la isku halayn karo iyo garsoor madax bannaan ayaa sheegay in barnaamijkani wax wayn ka tari doono ballaadhinta adeegga caddaalada ee dalka oo dhan.
CodKakoonfurgalbeed.com