Baydhabo(CKG)-Dadka barkacyaasha ah ee ku nool kaamamka xaafadda Daarul-salaam ee magaalada Baydhabo xarunta gobolaka Baay ayaa xiligaani waxay ku nool yihiin xaalado adag oo dhinaca nolosha ah ayagoon awoodin qaar kamid ah waxyaabaha nolosha aas aasiga u ah sida biyo ku filneen, caafimaad, waxbarasha iyo adeegyada kale.
Kaamamkaan ayaa ku dhawaad waxay garayaan sedeedtan kaam waxayna ku nool yihiin dad ka soo barkacay gobolada Baay, Bakool, Gedo iyo qeybo kamid yihiin Shabeelooyinka.
Qaar kamid ah gudoomiyaasha kaamamka xaafadda Daarul-salaam ee magaalada Baydhabo oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maamulka degmada Baydhabo iyo hay’adaha samafalka ay ka gaabiyeen in ay la socdaan xaaladdooda nololeed iyo gar gaarka ay helayaan dadka kale ee barkaca ku ah magaalada Baydhabo.
Dhibaatada ugu weyn yay waxay ku shegeen in ay tahay kaamamka oo aan laheyn Xarun caafimaad oo hooyada iyo dhalaanka ah taasi oo xiliyada hooyada ay dhalayso ama foosha soo qabato lagu rafadaayo in lala gaaro goobaha caafimaadka qaarkood ay ku dhalaan inta ay wadooyinka ay ku jiraan.
Sidoo kale waxay shegeen in kaamamkooda aan gali karin gaadiidka kala duwan taasi oo sabab u ah bur burka ka jira wadooyinkaasi.
Maamulka degmada Baydhabo iyo hay’adaha samafalka ayaa waxay ka codsadeen in wax loo qabto dadkaani si ay wax is kaga bedesho noloshooda.
Codkakoonfurgalbeed,com