Home » Bannaanbaxyo waa weyn oo horleh oo ka dhacay dalka Giriiga, kaddib markii ay…

Bannaanbaxyo waa weyn oo horleh oo ka dhacay dalka Giriiga, kaddib markii ay…

by CKG Editor

Greece (CKG) – Waddanka Giriiga ayaa wajahaya dibadbaxyo ballaaran oo hor leh, iyada oo ay sii kordhayso carada ka dhalatay musiibadii ugu xumayd ee tareennada waddankaas oo ay ku dhinteen 57 qof Isbuucii la soo dhaafay,

14 qof ayaa weli cisbitaal ku jira, kadib markii tareen xamuul ah uu shil ku galay tareen rakaab ah, oo ay saarnaayeen arday u badan, meel u dhow magaalada dhexe ee Larissa 28-kii Febraayo ee sanadkan.

Maamule istaan, oo qirtay inuu illoobay inuu dib u maro mid ka mid ah tareenada, ayaa la xiray waxaana lagu eedeeyay dil dayacaad ah iyo carqaladeyn gaadiid. Waxa uu wajihi doonaa xabsi daa’in hadii lagu helo danbiga.

Laakiin carada dadwaynaha ayaa weli ku baahsan Giriiga muddo tobanaan sano ah oo ay dawladdu si xun u maamushay shabakadda tareenada iyo ku guuldaraysiga in ay raacdo dib-u-habaynta amniga.

Shaqaalaha rayidka ah ee Giriiga ayaa qaban doona socod cusub oo 24 saac ah oo ay weheliyaan dhakhaatiir, macalimiin dugsi, darawallo bas ah iyo shaqaalaha doonta.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com