Nairob (CKG) – Bannaanbaxyo waa-weyn oo ay dhigayeen taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka dalka Kenya, Raila Odinga ayaa Isniintii maanta meelo badan oo ka mid ah dalkaasi ka billowday.
Dadkan ayaa ka careysan doorashadii looga guuleystay hoggaamiyahooda Odinga iyo qiimo kororka ku yimid maciishadda noocyadeeda kala duwan ee dalka Kenya.
Goobaha ay bannaanbaxyada ka socdaan ayaa waxaa kamid ah magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya oo ay ku sugan yihiin Soomaali farabadan, waxaana uu saameeyay Ganacsigooda oo meelaha qaar xiran.
Dadka bannaanbaxa dhigaya ee ah taageerayaasha Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya ayaa taayaro ku gubaya waddooyinka, iyaga oo meelaha qaar dhagxaan kujaray, waxaana bannaanbaxyada ay noqdeen kuwo rabshado wata.
Ciidamada Booliska Magaalada Nairobi ayaa dhankooda billaabay inay bannaanbaxayaasha u adeegsadaan Sunta dadka ka ilmeeysiisa, iyada oo Warabahinta Kenya qaarkeed ay maanta si-wyen u tebinayaan bannaanbaa.
Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa horay u iclaamiyay bannaanbaxa, waxaana laga cabsi qabaa inay xoogeystaan oo ay isku bedelaan rabshado, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara nolosha dadka Shacabka ah.
Ciidamada Booliska Kenya ayaa xiray qaar kamid ah abaabulayaasha dibadbaxyada, waxaana dadka la xiray kamid ah; Hogaamiyaha aqlabiyada Senate-ka Stewart Madzayo, hoggaamiyaha laga tirada badan yahay ee Baarlamaanka Qaranka Opiyo Wandayi iyo hal hoggaamiye oo kale oo dumar ah.
Si kastaba, qaar ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ayaa walaac ka muujinaya sii socoshada bannaanbaxyada, iyaga oo u baqaya in uu ka xirmo Ganacsigooda maadaama qaxooti ay ku yihiin dalkaasi.
CodkaKoonfurGalbeed.com