Home » Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo ka mid noqday markii ugu horreysay Shirka sanadlaha ee Global Payment Week

Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo ka mid noqday markii ugu horreysay Shirka sanadlaha ee Global Payment Week

by CKG Editor

Marrakesh (CKG) – Bankiga dhexe ee dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay mudo 32 sano ahm kadib ka qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Global Payment Week 2023 ( GPW) oo sanadkan lagu qabtay magaalada Marrakesh ee dalka Morocco.

Shirkan ayaa waxa soo qaban qaabiyey Bankiga Adduunka waxaana ka soo qeyb galay Bankiyada dhexe ee Adduunka iyadoo lagu soo bandhigayo Teknoolajiiyadda cusub ee Hanaanka Lacag Bixinta aduunka.

Soomaaliya oo ku guuleysatay hirgelinta Hannaanka lacag Bixinta Qaran waxay sidoo kale halkaas ugu qeyb gashay dood ay qeyb ka ahaayeen Bankiga England, Bankiga European Union, Mexico iyo Oman, waxaana lagu soo bandhigay doodaas Guullaha Soomaaliya ka gaartay hirgelinta mashruucan.

Shirkan ayaa waxa Bankiga dhexe ee Soomaaliya ku matalayey masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Banka dhexe.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com