BAYDHABO(CKG)- Xalay 8:40 sac xiliga geeska Afrika magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu ka dhacay qarax kaasi oo ahaa Bam gacameed, lakiin dareen badan galiyay bulshada ku nool magaalada Baydhabo.
Qaraxaan ayaa waxaa lagu weeraray guri kamid guriyaasha u kiraysan Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka koonfur galbeed mudane Isaaq Cali Subag ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowladda FS.
Guriga Bam gacmeedka lagu dhaftay albaanka ayaa waxaa uu ahaa guri lagu nasto oo mararka qaarna wasaaradda ay ku qabsato, guriga ayaa wuxuu ku yaalaa Xaafadda Berdaalle ee magaalada Baydhabo.
Qaraxaan ayaa waxaa lagu damacsanaa in wax yeelo lagu gaarsiyo mas’uulin ka tarsan maamulka Koonfur galbeed oo ugu horeeyo wasiir Isaaq Cali Subag iyadoona la sheegay in guriga uu imaan jiray taliyaha Nabad Sugidda KG mudane Shaahiyo iyo masuulin kale.
Sida ay sheegayaan warar kale in xiliga guriga lagu tuuray uu ahaa mid aysan joogin wasiirka, taliyaha iyo dadkii kale ee imaan jireen guriga oo ku cunaayay Qaadka.
Mudooyinka ayaa waxaa jiray qaraxyo lagu xiraayay albaabada guriyahay ay degan yihiin mus’uulinta kala duwan ee ka tirsan KG iyo kuwa DFS aydoona qaarkood gaysanayeen dhaawacyo badan halka qasaaraha dhimashada ay yarayeen.
Inta badan tuurista iyo dhibaatooyinkaan waxaa lagu bartay ama ay sheeganaayo kooxda Al-shabaab mana jirta qof loo qabtay oo la xukumay.
Codkakoonfurgalbeed.com