Xudur(CKG)-Bakool Girls waa Gabdho Mutadhawiciin ah oo u istaagay Bilicda iyo quruxinta Magaalada Xudur ee Caasimadda Gobolka Bakool.
Gabdhaha Bakool waxey qaateen oo ay ku midoobeen kaalin muhiim ah oo bulshada ka banaaneed xilli ay xaaladda adag tahay.
Waa Gabdho iskuxiran oo dadaalo badan ka sameeyey gudaha Magaalada Xudur.
Waxeyna utaagan yihiin inay hormuud unoqdaan Haweenka Gobolka Bakool waxeyna u istaageen samafalka, Bilicda, arimaha bulshada, Amniga iyo hormarinta Ganacsiga Magaalada, qaarkood ayaa ganacsiyo ku leh Magaalada Xudur oo go’doonsan in ka badan 10 sanadood.
Gabdhaha Bakool waxey leeyihiin Xafiis ay ku mideysan yihiin waxeyna ka kooban yihiin dhamaan Bulshada degan Magaalada Xudur iyo guud ahaan Gobolka Bakool.
Shaqada ay ka hayaan Magaalada Xudur oo ay ku dhiiradeen kuna midoobeen ayaa igu dhalisay inaan qoraalkaan ka sameeyo.
Gabdhaheenna Bakool dadkiinna garab ayey idin yihiin mar walba, Taariikhda baal Dahab ah ayey idinku qori doontaa.
Shaqada bulshada aad uheysaan haka caajisinna Rabbi ha idinka abaalmariyo.
Codkakoonfurgalbeed.com