Wednesday, February 28, 2024
More

    Bajaajleyda magaalada Baydhabo oo banaanbax sameeyay.

    Baydhabo(CKG)-Boqolaal dhalinyaro ah oo kamid ah kuwa wada gaadiidka loo yaqaano bajaajta ayaa manta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka bay waxay ka sameyeen banana baxyo ay kaga soo hor jedaan lacag kordhinta lagfu sameeyay dhidaalka taasi oo sameyn aad u weyn ku yeelatay.

    Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa saacad saacad lacag dheeraad ah uga kor dhaysay lacagta la iibiyo shidaalka taasi oo lis lahaa waa maalin ama laba maalin balse waxay ka war heleen in mudo socon doonto.

    Lacagta lagu kordhiyay dhidaalka waxaa daba socotaa qeybaha kale ee maciishada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka baay taasi oo lagu sheegey in kooxda La-shabaab dhamaanba godoomisay waddooyinka gala magaalada Baydhabo.

    Taasi oo ay jirto ayaa Bajaajleydaan banana baxa ka sameeyay waddooyinka magaalada Baydhabo ayaa waxay dowladda KGS ay kaga codsanayeen in arintaasi wax laga qabto madaama Bajaajta ay kamid tahay waxyaabaha loogu adeego dad weynaha.

    Wax yaabaha banana baxaan dhaliyay ayaa waxaa kamid ah in magaalada Baydhabo lagu arkaayay gaadiidka xamuulka shidaalka ah qaada oo waddooyinka magaalada maraya iyagoo shidaal u wada gobolka Gedo kuwii magaalada Baydhabona lagu heysto wadada ka timaada magaalada Muqdisho.

    Iyadoo banana baxa uu socdo ayaa ciidamo ka tirsan boolista ayaa waxay baxado nool nool ay ku kala ceriyay dhalinyaradii banana baxa ay ka sameynaayay waddooyinka magaalada baydhabo.

    Codkakoonfurgalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com