113
Baydhabo(CKG)-Mukhtaar Maxamed Yerow Oo Al-shabaab loogu yaqaanay Wariiri ayaa isku soo dhiibay taliska Nabad sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya qeybta degmada Baydhabo halkaasi oo lagu soo bandhigay.
Mukhtaar Oo kooxda Al-shabaab uqaabilsanaa dhanka Jabhada ayaa ka howgali jirey Gobolada Shabeelah hoose iyo Hiiraan halkaasi oo dagaalo badan kula soo galay ciidamada dowladda iyo ciidamada kale ee ka tirsan ATMIS.
Mukhtaar ayaa sheegay in uu usoo dulqaadan waayey dhibaatada duurka ku haysata kooxda Al-shabaab isagoona sheegay in uu ka faa’ideystay fursadda ah in ay cafis yihiin dhalinyarada iskaga soo baxda kooxdaasi.
Codkakoonfurgalbeed.com