Home » Askari ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay taliska qeybta 60, aad ee Baydhabo.

Askari ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay taliska qeybta 60, aad ee Baydhabo.

by Weriye Ateera

Baydhabo-(CKG)–Ibraahim Isxaaq Faar oo magaciisa Afgarashada Kooxda Alshabab loogu yaqaano (Abdinaasir ) ayaa isku soodhiibey Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee qeybta 60,aad ee magaalada Baydhabo.

Ibraahim ayaa kooxda Sl-shabaab u qaabilsanaa jabhada isagoona ka qeyb qaatey Dagaalo ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolada Baay iyo Shabeellaha dhaxe.

Kadib markuu kooxda Al-shabaab uu ku jiray ayaa, ibraahin go’aan saday in uu is kaga soo baxo, asigoo sheegay Dhibaatada ay u geysaneyaan Shacabka masakiinta ah, gumeysiga dhexdooda ka jira ay tahay go’aan qadashadiisa.

“Dhaqaalo fiican ma jiro, xiriir lama sameyn kartid waalidkaaga, amar adkaanta iyo raashiin xumada ayaa ah kuwo aan loogu dulqaadan karin ayuu yiri” Shabaab Ibraahim Isaaq.

Ibraahim ayaa sheegay dhamaan dagaaladii uu galay in ay ahayeen kuwo gaaray in uu ku waayo naftiisa madaama loogu sheygeenin halka ay ku wajahan yihiin iyo ciidamada al dagaalka lagalayaan.

Ibraahim ayaa baaq udirey Saaxibadiisa kale ee ku jira Al-shabaab in ay isaga soo baxaan isku soo dhiibaan Ciidanka Dowladda iyo magaaladii ay u dhowdahay.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com