Home » Askar Ka tirsan Ciidanka Asluubta iyo Garsoorayaasha KG Oo Tababar Loo soo Xirey.

Askar Ka tirsan Ciidanka Asluubta iyo Garsoorayaasha KG Oo Tababar Loo soo Xirey.

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Tababarka tiraanyo bixinta oo mudo afar maalin ah ka socday magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka fa’idaystay saraakiil ciidan oo ka socday ciidanka asluubta soomaaliyeed iyo sidoo kale gudoomiyaasha maxkamadaha KGS.

Xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirka wasaaradda caddaaladda iyo garsoorka KG iyo saraakiil ciidan.

Ugu horeyntii qaar kami ah saraakiishii tababarka ka fa’ideystay iyo guoomiyaasha maxkamadaha ayaa ka sheekeeyay tababarka iyo muhiimadda uu u lahaa.

Cusmaan Muxidiin Macalin Shaati Madaxa hay’adda soydan ahna gudoomiyaha ururada bulshada ra’idka soomaaliyeed ayaa ka hadlay tababarka iyo maalmaha uu socday waxyaabihii lagu bartay.

Mudane Xasan Cabduqaadir wasiirka wasaaradda caddaaladda iyo garsoorka KG ayaa kula dar-daaramay ka qeyb galiyaasha tababarka wixii halkaan ay ku barteen in ay garsiyaan ciidanka kale.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com