BAYDHABO(CKG)--Xarunta caafimaadka Arlaadi S.H ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu wadaa dadaalo ku aadan sidii bulshada u baahan ka daweynta cudurada kala duwan kuwaasi oo ka kala imaada gobolada Baay, Bakool iyo qeybo kamid ah shabeelooyinka.
Sida maamadaan idin muuqata waxaa laga keenay gobolka Bakool ayadoo markeeda hore loo heystay in ay la xanuunsan tahay Dedebso balse cudur ka weyn haayay, sida aad u jeedaan 5Kg oo biyo calooleed ah ayaa laga soo saaray.
Qaar kamid ah bukaanadii aan ugu tagnay Isbitaalka ayaa nooga warbixiyay xaaladdooda hadda iyo markii hore ee la keenaayay Xarunta caafimaadka Arlaadi S.H ee magaalada Baydhabo.
Dr Cabdukaadir Xaaji Axmed oo qaabilsan cudurada guud iyo qaliinadooda waana la howlgala xarunta caafimaadka Arlaadi S.H ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka hadlay howlaha uu qabto Isbitaalka.
Sidoo kale Dhaqtar Cirro ayaa bulshada ugu baaqay in Bukaanada lagu heynin guriyaha inta uusan cudurka ku faafin.
Codkakoonfurgalbeed,com