Marko(CKG)-Ciidamada ku sugan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xoogga saaray amniga guud ee degmada si ay uga hortagaan waxyaabaha qalqalgalin kara amniga degmada.
Sugidda amniga ayaa lagu sheegay maalmo ka hor shirka laamaha amniga iyo maamulka si bulshada nabad galiyo ay ugu ciidaan maalmahaan.
Sida caadiga magaalada ayaa waxaa isku soo baxa qeybaha kala duwan ee bulshada iyadoona laga nasanaayo qaar kamid ah ganacsiga, iskuulada, dugsiyada iyo kuwo taasina ay keneyso in magaalada lagu arko dad badan.
Gudoomiyaha Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose Ahna Duqa Magaalada, Mudane Cusmaan Muuse Maxamed ayaa maanta kula damashadey Bulshada goobaha dalxiiska sida xeebta dheer iyo goobaha kale ee Degmada.
Gudoomiyaha ayaa inta uu joogay xeebta iyo goobaha kale ee sawirada ay ku galaan bulshada waxaa uu kula kulmey bulsho badan kuwaasi oo gacan gadaayay, gudoomiyaha ayaa dhalinyarada wax ka weydinaayay amniga iyo sida ay u ciidayaan.
Gudoomiye Cusmaan Muuse oo bulshada la hadlaayay ayaa tilmaamay in caawinaadda ay tahay mid wanaagsan oo aaqiro iyo adduun wax u tarta qofkii dhiibta oo sida kuwa mudan.
Gudoomiyaha ayaa sheegan i sidoo kale ay midan yihiin in qofkii wax awooday in maalin kasta uu ka war haayo masaakiinta iyo kuwa deriskooda ah ogadaan xaaladdooda iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin.
Ugu dambeyntii waxaa uu bulshada faray in ay la shaqeyaan laamaha amniga si loogu hortago wax kasta oo lid ku ah amniga guud ee degmada.
Halka hoose ka daawo sawirada.
Codkakoonfurgalbeed.com