Home » Al-Shabaab oo weerar madaafiic ah ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya

Al-Shabaab oo weerar madaafiic ah ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya

by Weriye Ateera

Xudur(CKG)-Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar Xubno katirsan ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay CKG u sheegeen inay maqlayeen xalay saqdii dhexe dhawaqa Hoobiyeyaasha ay Al-Shabaab la beegsanayeen Saldhiga Ciidamada Itoobiya.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Itoobiya dhankooda ay madaafiic uga jawaabeen weerarka hoobiyeyaasha ah ee kaga yimid dhinaca Kooxda Al-Shabaab.

Weli lama xaqiijin khasaaraha Ciidamada Itoobiya iyo Dadka Shacabka kasoo gaaray weerarkii Hoobiyeyaasha ah oo ay Al-Shabaab ku qaadeen Saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Xudur.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana ammaanka degmadaas ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed iyo Ciidamada Itoobiya.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com