Home » Al-Shabaab oo la sheegay inay Malaayiin Doollar ku bixinayaa xil ka qaadista Guddoomiyaha G/Hiiraan Cali Jeyte

Al-Shabaab oo la sheegay inay Malaayiin Doollar ku bixinayaa xil ka qaadista Guddoomiyaha G/Hiiraan Cali Jeyte

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)- Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Xasilinta iyo arrimaha rayidka Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay qorshe ay la damacsan tahay Al-shabaab guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Maxamed Cabdi Waare ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Al-shabaab ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in xilka looga xayuubi guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu xusay iney ku bixineyso kooxda lacag Malaayiin doolar ah.

“Waxaan helnay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa in Al-shabaab ay malaayiin lacag ah ku bixineyso sidii guddoomiye Cali Jayte loo bedeli lahaa” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle ayaa sidoo kale Tilmaamay  in xilka qaadista guddoomiye Cali Jayte ay tahay mid u hiilinaysa Al-Shabaab, islamarkaana ay hoos u dhigeyso howlgallada ka socda gobolka oo uu hormuud u ahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

“Beddalka guddoomiye Jayte ayaa ah mid gurmad iyo nasteexo siinaysa Alshabab ” ayuu yiri Waare.

Warka ka soo baxay Ergayga gaarka ah  ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan Xasilinta iyo arimaha rayidka ayaa kusoo aadaya iyadoo khilaaf xoogan uu ka dhex taagan yahay guddoomiye Jeyte iyo madaxda Hirshabeelle, kaasoo salka ku haayo Canshuurta gobolka Hiiraan in lagu shubo qasnada Wasaaradda Maaliyada Hirshabeelle ee magaalada Jowhar.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com