Home » Akhriso: Taariikhda Prof Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari oo ku geeriyooday Muqdisho

Akhriso: Taariikhda Prof Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari oo ku geeriyooday Muqdisho

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Allaha u naxariistee Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), waxaa uu ku dhashay magaalada Afgooye sanadkii 1945-tii, waxaase uu ku koray yaraantiisii degmada Buur ee gobolka Baay, wuxuu cilmiga sharciga kaga bartay Jaamacadii ummada Soomaaliyeed.

Intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Gaadiidka dhulka iyo cirka iyo Wasaarads Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Sanadihii 1973-1979-kii, waxa uu agaasime guud iyo ku xigeen agaasime guud ka soo noqday Wasaaraddii Shaqada iyo arrimaha bulshada.

Markii danbena alaha u naxariistee Prof. Jawaari, wuxuu wasiir ka soo noqday wasaaraddaha gaadiidka, shaqada iyo shaqaalaha ee dowladdii uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Prof .Maxamed Cismaan Jawaari , waxa uu ka mid ahaa golihii Shacabka ee dowladii militariga ahayd.

Markii dalku galay burburka, allaha u naxariistee Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaa uu tagay dalka Norwey oo muddo ku noolaa. Dalka Norwey, waxaa uu ka soo shaqeeyey horumarinta iyo waxbarashada.

Xilliyadii ay bilowdeen shirarkii wada hadalada dowlad dhiskii Soomaaliya, ayuu ka mid ahaa dadkii ku soo laabtay dalka si qayb ugu noqdo yagleelida dowlad Soomaaliyeed.

Wuxuu guddoomiye u noqday guddigii madaxa bannaanaa ee dastuurka ee soo diyaariyay dastuurkii ugu dambeeyay ee hadda dalku haysto isagoo muddo dheerna u ahaa guddiyada dastuurka la taliye sare.

Sanadkii 2012-kii ayuu Prof Jawaari, noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Baarlamaankaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee lagu doorto gudaha dalka oo ay odoyaasha dhaqanku soo xulleen.

Sanadkii 2017-kii ayuu mar kale noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka balse xilkaas ma dhammaysan muddo xileedkiisa, kaddib markii uu iska casiley.

Hadda wuxuu ka mid ahaa guddi madaxwyene Xasan Sheekh u magacaabay difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya kadib khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waayadii danbe wuxuu si gooniya xoogga u saari jiray muxaadarooyin uu kula hadli jiray dhalinyarada ku jirta jaamacada dalka, isagoo hoga tusaalayn jiray in ay dhexda u xirtaan horumarinta dalkooda.

Dadka yaqaanyey waxay sheegeen inuu ahaa aqoonyahay ku xeeldheer dhanka afka iyo dhaqanka Soomaalida. Wuxuu si buuxda ugu hadli jiray luuqdaha Soomaaliga, Talyaaniga, Ingiriiska, Carabiga iyo Norweyjiyanka.

Allaha u naxariistee, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhintay da’da 79 sano jir. wuxuuna ifka uga tagay sagaal carruur ah, Shan gabdhood iyo Afar wiil.

Bahda Warbaahinta CodkaKoonfurGalbeed.com oo isku duuban, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ehellada, Qaraabada iyo carruurtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee, Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, samir iyo iimaan Eebe weyne haka siiyo, Jannatul Firdownaha Allaha kawaraabiyo.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com