BAYDHABO(CKG)-Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Sharmake Maxamed Kuulow ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay dhamaan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda KGS.
Intii uu socoday Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada ee Wasaaraduhu bixiyaan, iyadoo la isku dayayo in la helo adeegyo tayo sare leh oo ku saleysan hufnaan iyo waxqabad muuqda.
Kulanka waxaa si gaar ah loogu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo isku xirnaanta Hay’adaha Dowladda, taas oo muhiim u ah sidii loo dardargelin lahaa hannaanka fulinta howlaha wasaaradaha. Waxaa lagu tilmaamay in wada shaqeyntu tahay furaha guusha iyo horumarka adeegyada bulshada.