Baydhabo (CKG)- Agaasimaha guud Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga & horumarinta dhaqaalaha Koonfur Galbeed Mudane Yacqub Isack Hussein ayaa Magaalada Baydhabo ka daah-furay tababar lagu xoojinayey xirfadaha howlwadeenada wasaaradaha Koonfur Galbeed kaasi oo iska kaashanayaan Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed Iyo Wasaaradda Qorsheynta Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Tababarkan oo socon doona mudo sadax maalmood ah ayaa lagu baran doona habka xog uruurinta ‘ tafaftirka xogaha & soo bandhistooda kuwaasi oo muhiimad gaar ah u leh shaqaalaha Wasaaradaha Koonfur Galbeed oo u adeegaya bulshada.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta Mudane Yacquub Isack Hussein ayaa daah furka Tababarkan ku sheegay kulana dardaarmey in howlwadeena wasaaradaha ay ka faa’ideystaan mudada tababarka uu socdo xirfadoodana ay kobciyaan si uu u kordho wax qabadkooda Shaqo ee bulshada u haayan.
Codkakoonfurgalbeed.com