Buur-Hakab(CKG)-Si loo dar-dar galiyo dadaalada lagu doonaayo bilaawashada wajigii labaad ee la dagaalanka kooxda Al-shabaab ee goobaha ay ka joogaan degaanada KGS. ayaa Cabdicasiis Xasan Maxamed madaxweynaha KGS, labadiisa golo, mas’uulin heer dowlad goboleed iyo heer Faderaal ayaa gaaray degmada Buur-Hakaba ee gobolka Baay,
Garoonka diyaaradaha ee degmada Buur-Hakaba oo lagu soo dhaweeyay ayaa waxaa lagu diyaariyay haween iyo dhalinyaro ku labisan dhar uu ku sawiran yahay madaxweynaha KG sidoo kale soo dhaweynta ayaa waxaa qeyb ka ahaa odiyaasha dhaqanka, saraakiisha ciidamada qeybta 60,aad, kuwa gaarka ah ee KGS iyo kuwa Itoobiya.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa ugu horeyn la kulmay Saraakiisha Ciidamada ku sugan Buur-Hakaba waxyaabaha ugu muhiimsan ee ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ah xoojinta amniga degmada iyo tuulooyinka hoos taga iyo sidii kooxda Al-shabaab uga saari lahayeen qaar kamid ah tuulooyinka sida dhumaleysiga ah ay ku joogaan.
Sidoo kale waxaa si gaar ah ciidamada ugula hadlay madaxweynaha in ay u diyaar garowaan wajigii labaad ee xureynta KGS.
Intaasi kadib sidii caadiga aheyd lafta-gareen ayaa wuxuu kulan kale la qaatay odiyaasha dhaqanka Degmada Buur-Hakaba waxayna ka wada hadleen sidii nabadeynta iyo xooginta is dhaxgalka bulshada loo gala shaqeyn lahaa maamulka degmada.
Dhinaca kale odiyaasha dhaqanka Buur-Hakaba ayaa madaxweynaha waxay ka codsadeen in wax laga qabto arimaha bulshada madaama hoosi ay jiraan xaruumaha loogu adeego Bulshada.
Madaxweynaha ayaa balan qaaday in dhamaan wax laga qaban doono wax yaabaha aas aasiga u ah bulshada.
Codkakoonfurgalbeed.com