Home » Aday baratay Far-barka oo xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinaayay oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Aday baratay Far-barka oo xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinaayay oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Dugsiga hoose iyo dhaxe Daarul-Iimaan ayaa waxaa uu magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ku qabtay munaasabad ay ku qalan jabinayeen arday dugsiga ka dhameysteen far-karka qur’aanka kariimka kaasi oo muddo ku baranayeen dugsigaasi

Ardada loo qabtay xafladda qalan jabinta ayaa tiradooda waxay gareysaa 21 arday oo ay is kugu jiraan rag iyo dumar kuwaasi oo ay u badnayeen haween da’ah qaarkood heysta Carruur kuwa kalena ay gareyso da’dooda 70 sano jir.

Xafladda oo lagu qabtay Jaamacadda Ganaane ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka iyo macalimiinta Dugsiga hoose iyo dhaxe Daarul-Iimaan sidoo kale waxaa lagu marti qaaday agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo awqaafta koonfur galbeed, maamulka Jaamacada oo ugu horeeyo guddoomiyaha Sheekh Aadan Sheekh Saciid, waalidiin iyo marti sharaf kale.

inta ay munaasabadda ay socotay ayaa ardada waxay ku soo bandhigeen waxyaabihii lagu baray Dugsiga hoose iyo dhaxe Daarul-Iimaan ee magaalada Baydhabo waxayna kamid ahayeen aqrinta Qur’aanka kariimka iyo anashiid.

Mas’uuliintii ka hadlay xafladda ayaa amaan iyo dhiira galin u jeediyeen dhamaan maamulka, macalimiinta iyo ardadii u soo dhabar adeegtay muddo bilooyin ah barashada qur’aanka kariimka iyo far-barka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo awqaafta maamulka koonfur galbeed soomaaliya oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in tani ay tahay wax lagu farxo oo dugsiga Daarul-iimaan ku dadaashay in ay soo saarto carruur iyo hooyooyin da’ah in ay bartaan qur’aanka kariimka iyo far-barka.

agaasimaha ayaa sheegay in ku deyesho ay kudan tahay Dugsiga hoose iyo dhaxe Daarul-Iimaan, wuxuuna balan qaaday in ka wasaarad ahaan ay ka war heyn doonaan Daarul-Iimaan iyo mafaarinta la midka ah.

Sheekh Aadan Sheekh Saciid guddoomiyaha jaamacadda Ganaaney ayaa sheegay in aqoonta la heyn yaraan iyo weynaan haddana waxyaabah ugu fiican in la barto ay yihiin qur’aanka kariimka iyo waxyaabaha la xiriira.

Sheekh Aadan ayaa waxaa uu baaq u diray waalidiinta taasi oo ah in carruuta lagu tarbiyeeyo barashada qur’aanka kariimka taasi oo aduun iyo aaqiro ay wada canfici doonaan.

Ardada oo ka hadlayeen maalintaani oo ah maalin ay sugayeen ayaa sheegay in ay si aad ah ay ugu faraxsan yihiin madaama muddo bilooyin ah ay ku jireen barashada qur’aanka kariimka iyo far-barkiisa taasi oo ay ku shegeen in ay sii wadi doonaan marna aysan uga quursan doonin waxbarashada,

Koow iyo Labaatan kaan arday ayaa ugu dambeyntii waxaa xafladda lagu gudoonsiyay shahadooyin cadeynayso in ay muddo bilooyin ah ay soo baranayeen qur’aanka kariimka iyo far-barkiisa.

Codkakoonfurgabeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com