Home » 7-guri oo ku basbeelay Dab ka kacay Xaafad ku taalla magaalada Muqdisho +(VIDEO)

7-guri oo ku basbeelay Dab ka kacay Xaafad ku taalla magaalada Muqdisho +(VIDEO)

by Weriye Ateera

Muqdisho(CKG)-Khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay xaafadda Tookiyo oo ka tirsan degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, kaasoo gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh.

Xaafadda uu dabka ka kacay ayaa ah isku raran, waxaana daganaa qoysas danyar ah oo dhibaato xoogan ay kasoo gaartay dadkaasi.

Dabka oo markii hore ka kacay guri kamid ah xaafadda ayaa sii fiday, taasi oo kordhisay khasaaraha, sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

“Ninyahow meeshaan dab ayaa ka kacay hantid fara badana waa ku gubatay ummaddan Ilaah ayaa u maqan, ugu yaraan 7 qol ayaa gubatay” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray gaadiidka dab damiska oo iyaguma ka qayb qaatay howlaha gurmadka, kadibna waxaa sidaas lagu baqtiijiyay dabka.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com