Baydhabo(CKG)-Ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka koonfur galbeed soomaaliya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxay wadaan dadaalo ku aadan sidii ay u adkeyn lahayeen amniga magaalada Baydhabo ayagoo kaashanaaya laamaha amniga kala duwan iyo shacabka magaalada.
Ciidanka Nisa ayaa habeen iyo maalin waxay howlgalo ay ka sameynayaa xaafadaha iyo waddooyinka magaalada Baydhabo, waxay mid u barayaan gaadiidka iyo shacabka soo galaya ama ka baxaya magaalada madaama magaalada Baydhabo ay ku xeeran yihiin degaano badan oo ku sugan kooxda Al-shabaab.
Xiliyada habeen ayaa sidoo kale Ciidanka Nise ee koonfur galbeed waxay baaritaano ay ka sameyaan goobaha ay u badan yihiin dhalinyarada kuwaasi oo inta badan howlgalo laga sameeyay laga soo dhax saaray kuwo looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.
Sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga koonfur galbeed waxaa jira in baaritaanada qaar ee laga sameeyo magaalada Baydhabo, dhalinyarada lagu soo qabanaayo in laga dhax helo dhalinyarada ka tirsan kooxda al-shabaab kuwa kalena lagu sii daayo damiin.
Inta ay socdaan howlgalada qaar ee laga sameeyo magaalada Baydhabo taliyaasha iyo saraakiisha waxay dhalinyarada u sameyaan wacyi-galino ku aadan sidii ay uga shaqeyn lahayeen amniga magaalada taasi oo lagu helaayo amni iyo xasilooni waarta.
Codkakoonfurgalbeed.com