XUDUR(CKG)-Cumar Cabdulahi Maxamuud Atuu Gudoomiyihii hore ee degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha degmadaasi ayaa ku dhawaaqay inuu u tanaasuuley danta guud shacabka Degmadaasi maadaama dhowaan xilkii uu haayey laga qaaday.
Gudoomiyaha ayaa qirey in xil ka qaadistiisa loo maray sifo sharci daro sidaas ay tahayna uu u tanaasuuley shacabka degmadaasi go’adoonka ah ku nool isagoona ugu baaqay iney xaalka dejiyaan oo ay la shaqeeyaan maamulka Koonfur Galbeed ay u magacaawday degmada xudur.
Wasaarada Arimaha Gudaha KGS ayaa dhowaan kala diris iyo xilkii ka qaadis ku sameysay Maamulkii degmada Xudur maamulaayey labadii sano ee lasoo dhaafay, waxayna wasaarada ay magacaawday maamul kumeel gaar ah iyadoona sidoo kale sheegtay in muddo 3 bilood gudahood ah ay kusoo dhisi doonto maamul dhamaystiran oo leh golle deegaan, Gudoomiye iyo ku xigeenadiisa.
Codkakoonfurgalbeed.com