Home » Qoysas ka soo barkacay degmada Buur-Hakaba oo xaalado kala duwan ku heysata kaamamka magaalada Baydhabo.

Qoysas ka soo barkacay degmada Buur-Hakaba oo xaalado kala duwan ku heysata kaamamka magaalada Baydhabo.

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Iiisho Aadan Cali waxay qoyskeeda oo sagaal qof ah hoy la’aan, biyo yari iyo cunno xumo ku wajahayaan xerada lagu barakacay ee Raama-cadey ee duleedka magaalada Baydhabo. Waxay soo gaareen 19 bishii Abriil ee sanadkan.

Waxay ka mid yihiin 250 oo qoys oo ka barakacay degmada Buurhakaba, markii ay saameeysay colaad u dhexeeysa labo qabiil oo ka dhacay magaalada horraantii bishii hore. Qoyska Iisho ayaa dulsaar ku ah dadkii horay xerada u degganaa.

Waxay ku caawiyaan raashin bisil oo ay iska soo aruuriyaan. Mararka qaar ee ay ka waayaan ayay sheegtay in ay miciin bidaan maqaaxiyaha ku yaalla magaalada oo ay ka soo raadiyaan raashin haraadi ah oo aysan u helin si joogto ah.

“Colaad beeleedkan ayaa sidaas na yeelay. Markaan deegaankeenii aan joogney waxan karsaneyney quraaco, qado iyo casho oo waan heli jirnay.”

Haweenaydan ayaa sheegtay in ay la qabsan waayeen nolosha barakacnimada oo aysan horay u aqoon. Waxay tilmaamtay in ay dantu ku qasabtay, markii ay magaalada soo gaareen oo ay ogaatay in aysan deggi karin gudaha Baydhabo, maddaama aysan iska bixin karin kirada iyo biilka.

Iisho oo horay nolosha qoyskeeda uga maarayn jirtay dhar-dhaqis ay magaalada Buurhakaba uga shaqayn jirtay ayaa sheegtay in aysan hadda hayn qorshe ay ku beddesho. Waxay tilmaamtay in ay meesha ka baxday $4-$6 oo ay ka heli jirtay.

Haweenaydan oo saygeedu uu yahay waayeel aan shaqayn kari ayaa ah halka qof ee uu ku tiirsan yahay qoysku. Maalmaha ay soo wayso dad ay u shaqayso ayay dayn ka qaadan jirtay bakhaar ay macaamiil ahaayeen oo ay u yaryaran jirtay hadba wixii ay hesho.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com