Baydhabo(CKG)-Cabdi Ibraahim (Gaduudow) iyo Cali Nuur Cali Aadan ayaa isku soo dhiibay ciidanka Booliska gaar ahaan qeybta CID’da koonfur galbeed.
Xubnahaan ayaa sheegay in ay kooxda Al-shabaab ay ka tirsanayeen muddo sanado ah si gaar ah Cali Nuur ayaa ku jiray 6 sano, wuxuuna sheegay in ka soo bixidiisa ka dambeysay kadib markii u adkeysan waayay dhibaatada lagu haayo shacabka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa koonfur galbeed.
Cadi Ibraahim iyo Cali Nuur Cali ayaa sheegey kadib markii ay maqleen fariimaha dowladda in cadis ay yihiin dhalinyarada ka soo bacda kooxda Al-shabaab taasi oo u sahashay in ay isku soo dhiibaan ciidamada dowladda.
Labadaan Xubnood ayaa kooxda Al-shabaab kaga biiray degaano ka tirsan gobolka Baay gaar ahaan Goofgaduud Manaas, ayadoo fikirka ku biirista kooxda Al-shabaab ka dhaadhaciyay dhalinyaro kale oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.
Cabdi Ibraahim (Gaduudow) ayaa sheegay in ku biirista kooxda Al-shabaab fikir ahaan ay ku tashkiiliyeen dhalinyaro degaan wadaag ahayeen kadibna hadda ka soo bixitaankiisa sabab ay u aheyd dagaalo toos ah iyo duqeymo badan oo kala kulmay dowladda iyo dowladaha kale ee saaxibada la ah.
Labadaan Xubnood ayaa sheegey in ay ka soo laabashada fikirkaani mar hore ay ku dhalatay, lakiin ay weysanayeen waqti iyo fursad fiican oo ay kaga soo goostaan kooxda Al-shabaab.
Si kastaba ha ahateen labadii bilood ee la soo dhaafay ayaa ciidamada kala duwan ee dowladda waxaa isku soo dhiibaayay dhalinyaro badan oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab kuwaasi oo fursad u arkeen cafiska ay fidisay dowaldda FS.
Codkakoonfurgalbeed.com