Home » Saro u kac ku yimid qiimaha la iibiyo Cadayga suuqyada magaalada Baydhabo(SAWIRRO)

Saro u kac ku yimid qiimaha la iibiyo Cadayga suuqyada magaalada Baydhabo(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Xuseen Xasan Isaaq waxaa uu kamid yahay dhalinyarada qaar ee cadeyaasha ku iibiya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay muddo ku dhow 22 sano kaasi oo soo bilaaway 2002 xiligaasi oo ahaa wiil da’yar ah oo ku jiray waxbarashada dugsi Qur’aanka.

Xussen Xasan ayaa ganacsigaan Cadayga ka soo gaaray Aabihiisa waqtiga uu fasaxa ka yahay dugsiga Qur’aanka ayaa ku soo wareejin jiray Cadayga suuqyada iyo goobaha ay u badan yihiin dad weynaha dhaqaale ahaan waqtigaasi ayaa Cadayga la iibin jiray halkiisa xabo boqol Shilin oo soomaali ah.

Ganacsaday Xuseen ayaa iibinta Cadayga ayaa hadda waxay tahay mid uu ku maareeyo sedax qoys taasi oo ah mid ku filnaatay, waxaana iibinta Cadayga qeyb ka yahay walaalkiisa ka yar kaasi oo si lamid ah ku maareeya lacagta ka helo Cadayga qoyskiisa.

Qiimaha la iibiyo Cadayga ayaa hadda ah mid saro u kac laga daremaayo oo halkiisa xabo cadayga caadi ah uu joogo labo kun oo shilin soomaali ah meesha midka kale ee xididka loo yaqaano qiima ahaam uu joogo Afar kun oo shilinka soomaaliga ah.

Xuseen Xasan ayaa saro u kacaasi ku sheegay in ay tahay dadkii iibinaayay in ay soo aadeen magaalooyinka kuwaasi oo soo galay maalmihii ciidda taasina sabab u tahay saro u kaca ku yimid.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com