Home » Howlgalo qorsheysan oo laga fuliyay degmooyin ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool.

Howlgalo qorsheysan oo laga fuliyay degmooyin ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool.

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen deegaanada dhaca buuraleyda iyo dhulka howdka ah ee u dhexeeya gobollada Baay iyo Bakool.

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminayay taliye ku xigeenka ururka 47-aad ee guutada 8-aad, qaybta 60-aad, Xiddigle Uune Guudle Cabdiraxmaan, kaas oo sheegay inay cagta mariyeen goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu xoreeyay deegaano ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa haatan ku sugan deegaanada howlgalka laga sameeyay sida uu warbaahinta dowladda u xaqoojiyay Xiddigle Uune Guudle Cabdiraxmaan.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed gaar ahaan Ururka 47-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ayaa manta Howlgal Sifeyn ah waxay kasameyeen Degaanada Dhaca Buuraleyda iyo Dhulka Hoowdka ah ee Kala Qeybiya gobolada Baay Iyo Bokool” ayaa laghu yiri qoraalka.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa intaasi kusii daraya in la burburiyay xarumo ay kooxda ku laheyd halkaasi, laguna diyaarinayay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

“Inta howlgalkan gaarka uu socday ayaa lagu bur-buriyay goobo maleeshiyaadka khawaarijta isku abaabuleyeenoo u dhaxaysa Degmooyinka Bardaale iyo Qasax Dheere ee Gobalka Baay iyo degmada Waajid ee gobolka Bakool” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas la doonayo in kooxda looga sifeeyo guud ahaan maamulkaasi.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com