Home » 5 Dalxiisayaal oo saarnaa markabka quusa ee la la’aa oo la sheegay inay dhinteen

5 Dalxiisayaal oo saarnaa markabka quusa ee la la’aa oo la sheegay inay dhinteen

by CKG Editor

New York (CKG) – Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Maraykanka ayaa Khamiistii sheegay inay dhinteen dhammaan Shantii qof ee saarnaa, gujis yar oo badda quusa, kaas oo illaa haatan aan la ogayn meel uu jaan iyo cirib dhigay, xilli uu marayey meel u dhow haraaga markabkii caanka ahaa ee Titanic oo yaalla gunta hoose ee badda.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Maraykanka oo shir  jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay geeridan ku wargeliyeen ehelada rakaabka saarnaa gujiskaasi, kaas oo la baadigoobayey maalmihii la soo dhaafay.

Shirkadda iska lahayd gujiskan yar oo lagu magcaabo OceanGate, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay, in gujiska ay saarnaayeen illaa shan qof, oo uu ku jiro maamule shirkadeed oo lagu magcaabo Stockton Rush, taas oo loo badinayo inay dhinteen dhammaantood.

Shirkadda OceanGate, wax faahfaahina oo intaas ka badan may bixinin, gaar ahaan, sida ay ku ogaadeen inay dhinteen dhammaan dadkii saarnaa gujiskan yar ee badda hoosteeda quusa.

Gujiskan yar oo lagu magcaabo Titan, ayaa lahaa, kayd Oxygen oo la isticmaali karo illaa 96 saacadood, taas oo ku ekayd, subaxnimadii hore ee Khamiistii.

Shirkaddan ayaa caan ku ah inay dadka xiisaynaya, dalxiis ahaan ugu dirto, inay soo arkaan haraagii, markabkii caanka ahaa ee Titanic, kaas oo yaalla badda hoosteeda.

Safarkan ayaa ah mid aad u halis badan, maadaama la quusayo, badda wakhti aad u dheer.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com