Baydhabo_(CKG)–Heshiis ayey ka gaareen Khilaaf Muddo ka dhex taagnaa mid ka mid ah Beelaha dega Deegaanada Koonfur Galbeed kaasi oo ugu danbeyntii isu bedeley is marxabayn oo Garwadeen ka ahaayeen Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Beesha ku matala Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Odayaasha Beesha oo ay Heeshiiska ku gaareen gudaha Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa Cadeeyey in Khilaafka uu ka dhex jirey Beesha Dhexdeed Balse uusan kala dhaxeyn Maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiirka Howlaha Guud ee Maamulka Koonfur Galbeed Daahir Cabdulahi Goo oo ah Wasiirka Beeshaas kumatala Dowlad Gobeleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Beeshiisu ay heshiis tahay Maamulka ay la shaqeyn Doonaan.
Qaar ka mid ah Odayaasha Beesha ayaa sheegay in hada kadib dhexdooda laga soo sheegi doonin Khilaaf ayna Ka go’antahay la shaqeynta Dowlada Dhexe iyo tan maamulka Koonfur Galbeed.
Codkakoonfurgalbeed.com