Muqdisho(CKG)-Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa maanta si rasmi ah u daah furay qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir oo ay u fariisteen 35,307.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sannadkii 5-aad qaadaya imtixaanka dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad kuwaasi oo kaga duwan yihiin imtixanaadkii hore ee iska qaadi jireen iskuulada ama hay’adaha taageera waxbarashada.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uulin ka socday wasaaradda waxbarashada DFS ayaa ardada u rajeeyay in ay guulo ka keenaan imtixaanka.
Ardayda maanta imtixaanka u fariisatay ayaa isugu jirta 19,766 (wiil) iyo 15,541 (Gabdhood).
Codkaoonfurgalbeed.com